Ka haritaankii Arsenal ee tartanka Europa League aya faa’ido weyn u noqonaya marka loo eego Manchester City tartanka horyaalka Premier League
unners ayaa ka hartay tartanka Europa League, laakiin murugadoodii guuldaradii Sporting Lisbon waxaa ka dhaqday jadwalka horyaalka Premier League ee bisha soo socota oo la soo saaray shalay oo Sabti aheyd.
Natiijooyinkii Champions League, Europa League iyo Europa Conference League ayaa u ogolaaday maamulka Premier League inay soo saaraan jadwalka kulamada bisha April. Laakiin kooxda jadwalka ugu xun wajaheyso waa kooxda kaalinta labaad ee Manchester City taasoo faa’ido weyn u ah Arsenal.
City weli waxay ku jirtaa Champions League ka dib xasuuqii ay u geysteen RB Leipzig. Waxay wareega sideed dhamaadka la ciyaarayaan Bayern Munich. City waligeed kuma guuleysanin koobka dhega weyne sidaasi darteed Guardiola waxaa ka go’an inuu culeys xoogan saaro koobka xilli ciyaareedkan.
Kulamada Man City ee bisha April
Manchester City vs Liverpool, April 1
Southampton vs Manchester City, April 8
Manchester City vs Bayern Munich, April 11
Manchester City vs Leicester, April 15
Bayern Munich vs Manchester City, April 19
Brighton vs Manchester City, April 23
Manchester City vs Arsenal, April 26
Fulham vs Manchester City, April 30
Fulham vs Manchester City, April 30
Kulamada Arsenal ee bisha April
Arsenal vs Leeds United, April 1
Liverpool vs Arsenal, April 9
West Ham vs Arsenal, April 16
Arsenal vs Southampton, April 21
Manchester City vs Arsenal, April 26
Arsenal vs Chelsea, April 29