Dawladda Jabuuti oo iska Fogeysay inay Jabhado Hubeyneyso ka dhan ah Somaliland.

Xukuumada Wadanka jabuuti ayaa iska fogeysay

inay wadankeeda ku sugan yihiin jabhado Hubeysan oo la dagaalamaya Somaliland kadib markii uu dhawaan dawladda Jabuuti uu ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland in Jabuuti marti gelisay Jabhado Hubeysan .

Wasiir Ilyaas Muuse Dawaale oo ka tirsan Xukuumada Jabuuti ayaa meesha ka saarey Eeda ah in Dawladdiisu Maalgelisay isla markaana Marti gelisay Jabhado Hubeysan oo Duulaan ku qaadaya somaliland.

Wasiir ilyaas ayaa sheegay””Waxaanu ka xunahay beenta iyo eedaynta aan salka lahayn ee ka timid Somaliland” Wasiirka Maaliyadda Jabuuti

Si kastaba waxa dhawaan Dalkaasi jabuuti gaadhey Hogaamiye Sheegtay inuu yahay Hogaamiyaha Awdal state oo ah Mid lagu doonayo inuu Gobolada Awdal iyo salal ka dhigo Maamul Madax banaan