Mudanayaasha Golaha wakiilada somaliland ayaa Maanta oo Sabti ah waxay uballansan yihiin Ansixinta Miisaaniyada 2024 oo muddo 6 Bilood iyo dheeraad ah Gacantooda ku jirey
Tiraba Dhawr jeer ayaa Ay baaqatay Miisaaniyadan ansixintoodu oo Dib loo dhigay kadib kooram La’aan ka dhacday Xarunta Baarlamaanka.
Xildhibaano Tiro Badan ayaa saaka ku sugan Xarunta guud ee Baarlamaanka Somaliland iyagoo Saacadaha soo Socda Ufadhiisan Doona Ansixinta miisaaniyada Sanadkan.