Supercomputer ayaa saadaaliyey kooxda ku guuleysanaysa tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan oo siddeedda naadi ee iskugu soo hadhay shalay loo sameeyey qori-tuur waqti horeba meesha ka saaraya laba ka mid ah kooxaha waaweyn ee aadka loogu saadaalinayo.
Real Madrid oo koobka difaacanaysa iyo Chelsea ayaa ay midkood hadhi doontaa sababta oo ah waxay isku dhaceen wareegga siddeedda, sidoo kalena Bayern Munich iyo Manchester City ayaa isku beegmay oo ay midkood u gudbi doontaa semi-finalka.
Waxa intaa sii dheer, in labada kooxood ee kasoo gudba afartan naadi ee sare ku xusan in ay iyaguna isku sii dhici doonaan oo ay midkood tegi doonto finalka, taas oo ka dhigan in kaliya mid ka mid ah afarta kooxood ee Manchester City, Real Madrid, Bayern Munich iyo Chelsea ay tegi karto finalka.
Unugta kale ee uu isku-aadku sameeyey waxay tahay kooxaha Talyaaniga ee AC Milan, Inter Milan iyo Napoli oo ay tarraxayso Benfica ayaa iyaguna isku meel ah oo kaliya midkood ay usoo gudbi doontaa ciyaarta ugu dambaysa ee finalka Champions League ee la ciyaari doono bisha June.
Supercomputer oo saadaaliyey tartanka Champions League iyo kooxda ku guuleysanaysa ayaa waxa uu marka hore soo bandhigay afarta naadi ee usoo gudbaya semi-finalka iyadoo Man City ay soo dhaafi doonto Bayern Munich sida ay muujinayso xisaabta boqollayda ee uu adeegsaday Supercomputer iyo fursadaha labada naadi .
Waxa kale oo semi-finalka tegi doonta Real Madrid oo iyaduna soo karbaashi doonta Chelsea, sida ay saadaashu muujinayso, laakiin isku-dhaca Man City iyo Madrid ee semi-finalka ayaa waxa libinta heli doonta Manchester City oo waliba horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ku guuleysan doonta.
Sidoo kale, Napoli ayaa ah kooxda finalka la ciyaari doonta Manchester City, sida ay saadaashu sheegayso.
Fursadda Man City ku imanayso wareegga semi-finalku waa 57% halka fursaddeeda semi-finalkuna ay tahay 40% iyo ku guuleysiga Champions League oo ah 28%.
Benfica iyo Napoli ayaa iyaguna usoo gudbi doona semi-finalka iyadoo kooxda Talyaaniga ee awoodda badan muujinaysa ee Napoli ay finalka kula midoobi doonto City. Labada kooxood ee fursaddoodu aadka u liidato waa AC Milan iyo Chelsea oo saadaashu sheegayso in ay si bahdilaad ah ugu hadhi doonaan wareegga siddeedda.