Somaliland waxa si weyn looga dareemaya Diyaar garow xoogan oo ay ku jiraan ardeyda Fasalka 8aad ee Dugsiga Hoose dhexe iyo Fasalka 4aad ee Dugsiyada sare ee Somaliland kuwaasi oo udiyaar garoobaya Imtixaanaadka shahaadiga ah ee Sanad dugsiyeedkan 2023-2024.
Ardey Kor udhaafeysa 40kun oo Ardey ayaa sanafkan Somaliland ufadhiisaneysa Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo Sanadkiiba Halmar ay qaado wasaarada waxbarashada Iyo tacliinta sare ee Somaliland
Ardeyda ayaa imtixaanka ufadhiisaneysa Maalinta Sabtida ah oo ku beegan 22/6/2024 isagoo imtixaankaasi soo dhamaan doona marka la eegayo Dugsiyada sare maalinta Khamiista ah balse Fasalka 8aad ayaa imtixaankiisu Soo dhamaan doona Maalinta Salaasada ah oo laba cisho ayuu ka hormari doona Kan Fasalada dugsiyada sare.
Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daauud Axmed Faarax oo dhawaan la hadlay Warbaahinta ayaa si weyn digniin ugu direy Ardeyda kala duwan ee Imtixaanka Ufadhiisaneysa oo inta badan ay soo noq-noqoto dhibaatada ay sameeyaan wakhtiga imtixaanka oo ay si weyn u adeegsadaan Qishka iyo Mobilada Kala duwan .
Si kastaba waa Sanadk kale oo somaliland looga dareerayo imtixaanaadka shahaadiga ah oo inta badan wakhtiga loo qorsheeyey ku furma kuna soo Dhamaada.