Waa bah ka mida lacagaha dhijitalka ah ee loo yaqaano (cryptocurrency), badanaa waxay ku bilaabmaan hab kaftan ah, waa Koynis (coins) dardar badan.
Waxaana sida caadiga ah dhaqaajiya ka-qaybgalka bulshada iyo warbaahinta baraha bulshada marka loo eego qiyaasaha maaliyadeed ama hal-abuurnimada tignoolajiyada.
Qiimaha koyniska meme-da looyaqaan badaanaa waa mid xamaasadiisu aad u sarayso waayo waxaa saamayntooda kor uqaada waa xayaysiinta warbaahinta, taageerada dadka caanka ah, iyo xamaasadda bulshada.
Badanaa waxaa lagu arkaa qiimahooda oo si degdeg ah u kordha iyo hoos u dhac degdeg ah oo wada socda.
Guusha koyniska meme waxay si weyn ugu tiirsan tahay taageerada bulshadada, Ka-qaybgalka firfircoon ee aaladaha baraha bulshada sida Twitter, Reddit, Discord iyo Telegram. Mararka qaar, waxay bixiyaan fursado faa’iido degdeg ah haddii la iibsado xilliga saxda ah.
Dhanka kale Meme coins waxay leeyihiin khatar sare iyo hoos u dhac degdeg ah. Maalgashadayaasha waa inay ka taxadaraan oo ay fahmaan inay jiraan khatar weyn oo ku saabsan halista koyniskan iyo in ay ku waayi karaan hantidooda.
๐๐ถ๐ถ๐ฟ๐ผ ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ต:
Meme coins waxay leeyihiin saameyn iyo soo jiidasho gaar ah oo ku saleysan xamaasad bulshada iyo xayaysiinta warbaahinta dabada ka riixayso. Hase yeeshee, waxaa ku gadaama khataro maaliyadeed, sidaa darteed maalgashadayaasha waa inay si taxadar leh uga fikiraan ka hor inta aysan maalgelin.