Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa bixiyey digniin ku wajahan wadamada Reer-galbeedka isaga oo sheegay in Moscow ay hubeyn karto waddamo damacsan in la weeraro bartilmaameedyada Reer-galbeedka.
Putin ayaa ku dhaliilay wadamada Reer-galbeedka hubka riddada dheer oo ay geeyeen dalka Ukraine.
Dhowr waddan oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Ukraine siiyay oggolaansho buuxa oo ay ku garaaci karto bartilmaameedyada gudaha Ruushka.
Tallaabadan oo kale waxay horseedi kartaa “dhibaatooyin aad u daran”, ayuu Putin u sheegay saxafiyiinta ajnabiga ah.
Madaxweyne Putin waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Jarmalka oo dhawaan Ukraine u sheegay in ay xor u yihiin in ay ku garaacaan bartilmaameedyada gudaha Ruushka hubka riddada dheer ee Jarmalka.
“Marka ay yiraahdaan waxaa jiri doona gantaallo badan oo an ku garaaci doonno bartilmaameedyada dhulka Ruushka, tani waxay si dhab ah u burburinaysaa xiriirka Ruushka iyo Jarmalka,” ayuu yiri Putin.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Ukraine u fasaxay in ay u adeegsato hubka uu Mareykanka keeno si ay u weerarto bartilmaameedyada Ruushka, balse kaliya meel u dhow gobolka Kharkiv.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Ukraine aysan isticmaali karin gantaallada riddada dheer ee ATACMS dhulka Ruushka.
Ukraine ayaa hubka Maraykanka u adeegsatay in ay ku garaacdo gudaha Ruushka maalmihii la soo dhaafay, sidaas waxaa wakaalada wararka ee AP u sheegay Arbacadii Senatar Maraykan ah iyo sarkaal Reer-galbeed ah.
Dagaal ba’an ayaa ka socday waqooyi bari ee magaalada Kharkiv tan iyo markii uu Ruushku u durkay xadka waqooyiga ee Ukraine. Kharkiv, ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, taas oo xadka u jirka ayaa 30km.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Devid Cameron ayaa sheegay in Ukraine ay u taallo go’aan ka gaarista qaabka loo isticmaalo hubka Britain, wuxuuna ku adkeystay in ay xaq u leedahay inay weerarto bartilmaameedyada dhulka Ruushka.
Ukraine ayaa sheegtay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi lagu isticmaalo gudaha dhulka Ukraine, hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushka uu dagaalka u adeegsanayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.
Ruushka ayaa duullaan buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo sanadkii 2022-kii.