Tirada wadamada aqoonsadey Falastiin oo korodhay .

Dagaalka ay Israa’iil ku qaadday Qaza tan iyo weerarkii 7-dii October ayaa dib usoo nooleeyay dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in Falastiiniyiinta la siiyo dowlad ay iyagu leeyihiin.

Norway, Spain iyo Ireland ayaa Talaadadii noqday dalalkii ugu dambeeyay ee aqoonsada dawladda Falastiin, iyaga oo jabiyay aragtidii ay muddada dheer ay qabaan quwadaha reer galbeedka ee aheyd in Falastiiniyiintu ay heli karaan oo keliya dawlad qayb ka ah nabad lagala xaajoodo Israa’iil.

Tallaabadan oo ka caraysiisay Israa’iil, ayaa 145 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee aqoonsaday dawladda Falastiin ay ku biireen Norway, Spain iyo Ireland.

Waxaa ku jira dalalka aqoonsan Falastiin wadamo badan oo ku yaalla Bariga Dhexe, Afrika, iyo Aasiya, laakiin kuma jiraan Maraykanka, Canada, inta badan Galbeedka Yurub, Australia, Japan, iyo Koonfurta Kuuriya.

Bishii Abriil, Mareykanka ayaa u adeegsaday codka diidmada qayaxan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay si uu u hor istaago isku dayga Falastiiniyiinta inay xubin buuxda ka noqdaan Qaramada Midoobay.

Dalalkani waxay aamin yihiin in Falastiiniyiintu ay ay dhistaan dawladooda:

– 1988-kii: Ku dhaawaqistii Carafaat ee asaasay dowladda Falastiin-

Bishii Noofambar 15, 1988, intii lagu guda jiray kacdoonkii Intifada ee ugu horeysay ee Falastiin, hogaamiyahii Falastiin Yaasir Carafaat wuxuu si keligiis ah ugu dhawaaqay aasaaska dawlad madax banaan oo Falastiiniyiin ay leedahay oo ay caasimad u tahay Qudus.

Arrintan ayaa lagaga dhawaaqay dalka Algeria, intii lagu guda jiray shir ay yeesheen Golaha Qaranka Falastiiniyiinta ee dibad-jooga ah, kaas oo hadaf ahaan u qaatay xal laba dawladood ah, oo ay is barbar socdaan dawlado madaxbannaan oo Israa’iil iyo Falastiiniyiin ah.

Daqiiqado kadib, Algeria waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada dawlad madax-bannaan oo Falastiiniyiin ah.

Toddobaadyo gudahood, tobannnaan waddan kale ah ayaa iyaguna aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo ay ku jiraan inta badan dunida Carabta, Hindiya, Turkiga, inta badan Afrika, iyo waddamo badan oo Bartamaha iyo Bariga Yurub ah.

Mowjadda xigtay ee aqoonsiga Falastiin ayaa timid dabayaaqadii 2010-kii iyo horraantii 2011, xilligaasi oo dhibaato ay ka jirtay hannaanka nabadda ee Bariga Dhexe.

Waddamada Koonfurta Ameerika, oo ay ku jiraan Argentina, Brazil iyo Chile, ayaa ka jawaabay baaqyada Falastiin ee lagu taageerayo sheegashadooda dawladnimo.

Arrintan ayaa jawaab u ah go’aankii Israa’iil ay ku soo afjartay xayiraaddii ku meel gaarka ahayd ee ay Yuhuuddu ku soo rogtay deegaamaynta ay ka dhisteen Daanta Galbeed ee la haysto.

-2011-2012: Aqoonsiga Qaramada Midoobay-

Sannadkii 2011-kii, iyadoo wadahadallada nabadeed ay istaageen, Falastiiniyiintu waxay horay ugu sii wadeen ololahooda ku aaddan inay si buuxda uga mid noqdaan Qaramada Midoobay si ay u dhistaan dowlad Falastiin ah.

Dadaalkaasi wuu guuldarreystay, balse tallaabo dhaxal gal ah oo dhacday 31-kii Oktoobar ee sanadkaas, hay’adda Qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa u codeysay in Falastiiniyiintu ay xubin buuxda ka noqdaan.

Iyagoo ka jawaabaya tallaabadaas, Israa’iil iyo Maraykanku waxay hakiyeen dhaqaalihii ay siin jireen hay’addaas. Waxay si toos ah uga baxeen UNESCO 2018, inkastoo Maraykanku uu dib ugu biiray sannadkii hore.

Bishii Nofembar 2012, calanka Falastiin ayaa markii ugu horreysay laga taagay Qaramada Midoobay ee New York kadib markii Golaha Guud uu si aqlabiyad leh ugu codeeyay in sare loo qaado maqaamka Falastiiniyiinta oo laga dhigo “dal goobjooge ah oo aan xubin ka ahayn golaha.”

Saddex sano kadib, Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay sidoo kale aqbashay in Falastiin ay tahay xisbi dawladeed u doodaya xuquuq siyaasadeed.

– 2014: Sweden oo noqotay dalkii ugu horreeyay ee Galbeedka Yuru oo aqoonsada Falastiin-

Sannadkii 2014-kii, Sweden oo ay ku nool yihiin bulsho badan oo reer Falastiin ah, ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee xubin ka ah Midowga Yurub ee Galbeedka Yurub ah oo aqoonsada dawlad Falastiin ah.

Tallaabadan ayaa timid kadib bilo ku dhawaad iska horimaadyo maalinle ah ka socdeen Bariga Quddus, oo ay la wareegtay Israel.

Lix waddan oo kale oo Yurub ah ayaa hore u aqoonsaday Dawladda Falastiin, kuwaas oo kala ah Bulgaria, Qubrus, Czech Republic, Hungary, Poland iyo Romania.

Israa’iil ayaa si caro leh uga jawaabtay tallaabada Stockholm, iyadoo wasiirkii arrimaha dibadda ee Israa’iil ee xilligaas, Avigdor Lieberman uu u sheegay Swedishka in “xiriirka bariga dhexe uu aad uga adag yahay alaabta guryaha ee IKEA”.

-IKEA waa dukaan ay leedahay Sweden oo lagu iibiyo alaabaha guryaha-

-2024: Ololaha aqoonsiga cusub oo Yurub –

Duulkaanka joogtada ah ee Israel ku hayso Qaza, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 36,050 qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza, iyada oo ka jawaabaysa dilka Xamaas ee in ka badan 1,170 qof oo Israa’iiliyiin ah, ayaa kordhisay taageerada Yurub ee dhismaha dawlad Falastiin.

Digniin bilo ah kadib, Norway, Spain iyo Ireland ayaa ugu dambeyntii qaaday tallaabadan, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez uu ku tilmaamay arrin “cadaalad taariikhi ah.”

Malta iyo Slovenia ayaa sidoo kale muujiyay “inay diyaar u yihiin” si ay u aqoonsadaan dawlad falastiiniyiin ah marka “xaaladuhu noqdaan kuwo habboon.”

Australia ayaa sidoo kale kor u qaaday suurtagalnimada in la taageero dhismaha dowlad Falastiin ah, halka madaxweyne Emmanuel Macron uu sidoo kale sheegay in arrinta aqoosiga Falastiin aysan hadda ka ahayn “xaaran Faransiiska,” isagoo ku adkeystay baahida loo qabo in sidaas la sameeyo “waqtiga saxda ah.”