Shir ka dhacay Magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad Deegaanka Soomaalida, ayaa lagaga hadlay sidii ay shacabka labada Waddan ee itoobiya iyo somaliland iskaga kaashan lahaayeen dhanka hormarka waxaan shirkaasi martigelisay jaamacadda jigjiga kaasi oo ku saabsanaa ka faa’iidaysiga ‘jidka berbera carridor .
waxaa kulankan ka soo qayb galay dad caan ah oo ay ka mid yihiin Cabdukariim Axmed Mooge, Maayarka Magaalada #Hargaysa, Cabdi Shekuur Maxamed (Maayarka Magaalada #Berbera), Maxamed Axmed Warsame (Maayarka Magaalada #Borama), Maxamed Amiin Cumar (Maayarka Magaalada #Gabiley).
Sida lagu baahiyey warbaahinta dawladda, aqoonyahanno ka kala socday labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa soo bandhigay cilmi-baadhisyo iyo doodo ku saabsan faa’iidada Waddada Dhaqaalaha ee Berbera u leedahay Mandaqada. Faa’iidooyinkaas waxaa ka mid ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hagaajinta isku xirka waddooyinka Itoobiya iyo somaliland
Guddoomiyaha Guddida Sare ee Jaamacadda Jigjiga ahna Madaxa Xukuumadda ee Golaha Wakiillada, Tesfaye Beljige, ayaa ku nuux-nuuxsaday wax-ka-beddelka qorshayaasha horumarineed ee Waddada Berbera Corridor. Waxa uu iftiimiyay doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay fududaynta isu socodka ganacsiga Afrika, adeegyada, iyo caasimadda Tesfaye waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay muhiimadda marinku u leeyahay horumarinta Ajendaha Midowga Afrika ee 2063, horumarinta ganacsiga gobolka, iyo dhiirigelinta hawlaha maalgashiga.
Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa isaguna ka qayb-galay, ayaa sheegay in doorka muhiimka ah ee Waddada Dhaqaalaha Berbera ee kobcinta horumarka gobolka iyo xoojinta xidhiidhka dadka iyo dadka. Madaxweyne Mustafe waxa uu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto adeegga gaadiidka dekedda iyo badda, isaga oo tilmaamay inay wax weyn ka tari karto isku xidhka gobolka iyo kobaca dhaqaalaha.