halkuu marayaa shirkii Golaha wadatashiga qaran ee soomaaliya?

shirka wada tashiga qaran waxaa qayb ka ah dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dawlada federaalka.


Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.

Shirka oo uu guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa maanta lagaga hadlay warbixinno ay soo gudbiyeen guddiyada u xil-saaran soo dharaan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa isna qoraal uu soo dhigay Facebook ku yidhi “Shalay iyo maanta waxay madaxdu isla lafa-gureen qodobo dhowr ah oo muhiim u ah Dowlad-dhiskeenna kuwaas oo kala ah; Dib-u-eegista qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, Federaaleynta hannaankeenna Maaliyadeed iyo sidii dalkeenna iyo dadkeennu ugu gudbi-lahaayeen hannaan doorasho oo dadku wax doortaan.”

Shirka ayaa waxaa ka qeyba galaya Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Saalax Jaamac iyo madaxweyne goboleedyada Koonfur-Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen HirShabeelle Cali Guudlaawe, Jubbaland Axmed Madoobe, Galmudug Axmed Qoor Qoor, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirka ayaa waxaa ka maqan madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Puntland oo ku saabsan sababta uu uga baaqday.

go’aan kasoo baxay Puntland 9-kii Janaayo waxay ku sheegtay in maamulku uu dhaqmi doono sidii dawlad madaxbanaan inta laga dhammaystirayo dastuurka ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.