Daraasad ay samaysay jaamacad ku taalla dalka Holland ayaa lagu ogaaday, in sagaal milyan oo caruur ah oo ku nool dalalka aan haysan aqoonsiga buuxa, inay waayeen xuquuq badan oo ay ku heli lahaayeen shuruucda caalamiga ah, iyada oo ay ugu wacan tahay, khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya, xukuumadaha ku dhawaaqay madaxbanaanida ee ka taliya goobaha ay caruurtani ku nool yihiin iyo dawladaha haysta aqoonsiga caalamiga ah ee ku doodaya inay iyagu masuul ka yihiin deegaanadaas.
Sida uu dhigayo axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda caruurtu, waxay tahay in ilme walba oo caalamkan ku nooli inuu helo xuquuqaha aasaasiga ah, isla markaana ay jiraan, nidaam heshiis lagu yahay oo loo kormeeri karo.
Shantii sanoba hal mar, waxaa dalalka caalamku ay guddida xuquuqda caruurta ee Qaramada Midoobay u gudbiyaan, warbixino ay kaga hadlayaan xaaladda caruurta ee dalalkooda, hase ahaatee cilmi-baadhayaal kala duwan ayaa ogaaday, inay jiraan gol-daloolooyin ku jira shuruucda caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda caruurta, gaar ahaan ahaan, inaanu jirin nidaam lagula socdo xaaladda caruurta ee ku nool deegaanada aan haysan aqoonsiga ama aan xubinta ka ahayn Qaramada Midoobay.
Daraasad oo lagu sameeyey illaa 10 dawladood oo aan haysan aqoonsi buuxa ama aan xubin ka ahayn Qaramada Midoobay, ayaa lagu ogaaday, in caruurta ku nool deegaanadaasi, inaanay jirin nidaam buuxa oo lagula socdo xaaladooda, ama lagula xisaabtami karo xukuumadaha maamula deegaanada ay ku nool yihiin, iyada oo ay ugu wacan tahay khilaafka u dhexeeya xukuumadaha ka taliya deegaanada ay caruurtani ku nooshahay iyo dawladaha haysta aqoonsiga caalamiga ah.
Haddaba waxaa haatan Qaramada Midoobay loo gudbiyey warbixin ay diyaarisay Jaamacadda Maastricht ee ku taalla dalka Holland, oo ah natiijada daraasado iyo kulamo wakhti dheer soo socday.