Courtois Oo Shaaciyey LABADA Kooxood Ee Ay Real Madrid Ka Ducaysanayso Wareegga SIDDEEDDA Champions League

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa shaaciyey labada kooxood ee ay ka ducaysanayaan inay isku dhacaan wareegga siddeedda Champions League ee isku-aadkiisa la samaynayo maalinta Jimcaha ee berri

Los Blancos ayaa isku-diyaarinays isku-aadka magaalada Nyon ee Jimcaha oo ay u diri doonaan wakiillo, waxaase ay sii ogyihiin oo ay qaarkood ka ducaysanayaan toddobada kooxood ee kale ee ku wehelinaya isku-aadkan.

Manchester City, Napoli, Chelsea, Bayern Munich, AC Milan, Inter Milan iyo Benfica ayaa ah toddoba kooxood ee kale ee soo gudbay ee ay Real Madrid midkood ku beegmi doonto, waxaase ay kasii baqayaan laba ka mid ah kooxahan oo ay ku ducaysanayaan inay ka badbaadaan, sida uu sheegay goolhaye Thibaut Courtois.

Goolhayah reer Belgium ayaa waxa uu sheegay, in Real Madrid ay doonayso inay ka badbaaddo labada kooxood  ee Ingiriiska  ah ee Manchester City iyo Chelsea oo ay wareegyadii siddeedda iyo semi-finalka ee xilli ciyaareedkii hore ku reebeen, ka hor intii aanay finalka iskugu imanin Liverpool oo ay 1-0 koobka kaga qaadeen.

Thibaut Courtois oo warbaahinta la hadlayay xalay ayaa yidhi:  “Waxa aan jeclawan lahaa in wax ay iska beddelaan sidii sannadkii hore iyo kooxihii aanu la ciyaarnay. Sannadkii hore, waxa aanu waajahnay City iyo Chelsea, mrkaa aynu eegno haddii aanu la ciyaari karno kooxo kale. Haaland waa ciyaartoy aad u wanaagsan, waxa uu ka mid yahay xiddigaha kubadda cagta.

“Sannadkii hore, waxa aanu muujinay hab-dhaqan kooxood oo soolaabasho ah oo aanu ku kasbanay ixtiraam, waxaananu doonaynaa in aanu mar kale caddayno in Real Madrid ay mar walba heerkaas taagan tahay.”

Real Madrid ayaa haddii ay ka badbaado Manchester City iyo Chelsea waxay midkood ku dhici doontaa Bayern Munich, Inter Milan, AC Milan, Benfica iyo Napoli.