Shabakadda Football London ayaa saadaalin ku samaysay isku aadka wareega siddeed dhammaadka UEFA Champions League oo siddeeda kooxood ee usoo baxay xalay dhammaystirmeen.
Isku aadka rasmiga ah ayaa berri qabsoomi doona balse kooxaha soo gudbay ayaa kala ah Real Madrid, Bayern Munich, Chelsea, Inter Milan, AC Milan, Napoli, Benfica iyo Manchester City.
Wareegan ayaan ahayn mid kooxo gaar ah oo la kala ilaalinayaa aysan jirin iyadoo koox kastaa fursad isku mid ah u haysato inay toddobada kooxood ee kale ku aado.
Aan ku bilawnee Football London ayaa saadaasha uu sameeyay ay sheegaysaa in Chelsea oo Borussia Dortmund kasoo gudubtay ay ku aadi doonto kooxda wacdaraha dhigaysa xilli ciyaareedkan ee Benfica oo Club Brugge soo dardartay.
Dhinaca kale quwada ree Germany ee Bayern Munich oo soo dhaaftay PSG ayay saadaashu sheegaysaa inay ku aadi doonto Inter Milan oo soo dhaaftay FC Porto.
Saadaashan ayaa xusaysa in kooxda tartanka difaacanaysa ee Real Madrid ku beegmi doonto kooxda qarka u saaran hanashada horyaalka Talyaaniga ee Napoli oo xilli ciyaareed cajiib ah qaadanaysa.
Isku aadka kale ee ugu dambeeya ayaa sheegaysa in tababare Stefano Pioli iyo kooxdiisa AC Milan oo mudo dheer kaddib wareegay soo gaadhay ay ku aadayaan Man City oo kamida kooxaha ugu cad cad tartanka.