Wasaarada Arrimaha dibeda Somaliland oo War kasoo saartay Muwaadiniinta Somaliland ee ku xidhan Muqdisho .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ka hadlay 6 muwaadin oo dawladda Soomaaliya ay Muqdisho ku xidhay isla markaana la sheegay in la jidh dilay.

Wasiir Ciise caddeeyay in xukuumadda JSL ay si dhow ula socotay xadhig iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay’ado dawladeed.

Waxaanu iftiimiyay in xukuumadda JSL ay ugu baaqday beesha caalamka iyo Hay’adaha xuquuqul insaanku ay degdeg u farogeliyaan dhacdadan isla markaana xoriyadooda loo soo celiyo lixdaas qof, oo uu tilmaamay in soo sheegay in la jidh dilay.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu intaas ku daray in ay dhallinyaradani xidhnaayeen illaa 15kii Feberwari iyadoo aan loo haynin wax lagu xukumo.

Wasiir Ciise Keyd ayaa soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u shaqeeya Hay’adaha ICAO iyo WFP, kuwaasi oo magacyadoodu yihiin:-
1.Mubaarig Nuur Cali (ICAO).

  1. Nuuradiin Ileeye (ICAO).
  2. C/Raxmaan Cabdilaahi (ICAO).
  3. Khaliif Salaf (ICAO).
  4. Maxamed Cabdiraxmaan (WFP).
  5. Almis Saleebaan (WFP)