Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa gaadhey Degmada Oog ee Gobolka Sool oo Fadhiisin u ah Ciidamada Somaliland.
Gudoomiyaha Ayaa Ciidanka Somaliland Gaadhsiiyey Dawooyin kala duwan oo uu ugu talo galey Ciidamada Fadhiya Jiida Hore ee Gobolkaasi .
Imaanshaha degmada Oog ee Gudoomiye Faysal ayaa kusoo Beegmaysa Wakhti ay Somaliland isu diyaarineyso Doorashooyinka Isa saaran ee Madaxtooyada iyo Ururada oo la geli doono 13ka November 2024.