Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay weerarro cusub oo Israa’iil ku qaadey Qaza .

Weerarada Israel ayaa weli ka sii socda guud ahaan Qaza, iyadoo todobo qof lagu dilay xerada qaxootiga ee Nuseirat ka dib maalin duqeymo ay ku dhinteen 22 qof oo ka dhacay koonfurta magaalada Rafah.

Shaqaalaha ayaa ilaa hadda soo saaray 180 mayd ah oo laga helay xabaal wadareed ka dib markii ciidamada Israa’iil ay ka baxeen cisbitaalka Nasser ee Khan Younis.
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku amaanay ciidamada qalabka sida ee dalka “guushooda” kadib markii Tehran ay weerar toos ah oo aan horay loo arag ku qaaday Israa’iil usbuucii hore.
Ugu yaraan 34,097 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 76,980 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

Sarkaal Maraykan ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyey in in ka badan shan gantaal laga soo ganay dalka Ciraaq oo ay ku socdeen ciidamada ku sugan saldhigga isbahaysiga ee ku yaal magaalada Rmeilan ee dalka Suuriya, balse waxa uu sheegay in aanay jirin cid Maraykan ah oo wax ku noqotay.

Sarkaalkan oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku tilmaamay weerar gantaal oo fashilmay.

Hay’adda ayaa sheegtay in ilaa hadda aysan kala cadeyn in gantaalada ay ku dhici waayeen saldhiga iyo in la burburiyay kahor inta aysan gaarin. Sidoo kale ma cadda in saldhigga laftiisa uu ahaa bartilmaameedka.

Weerarka ka dib, sarkaalku waxa uu sheegay in diyaarad ka tirsan isbahaysiga uu Maraykanku hoggaamiyo ee Ciraaq iyo Suuriya ay fuliyeen weerar ka dhan ah diyaaradda wax riday.