Kumanaan ka mid ah shaqaalaha isbitaalada, iskuulada iyo tareenada ee Sri Lanka ayaa sameeyay shaqo joojin ay uga soo horjeedaan qiimaha sare ee nolosha, oo ay ku jirto canshuur kordhin lagu soo rogay shuruud u ah badbaadinta Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), iyada oo ay jirto xaalad dhaqaale xumo ee ugu xun dalka muddo tobanaan sano ah.
Dugsiyadu waxay baajiyeen imtixaanadii teeramka sidoo kale waaxihii bukaan-socodka ee cisbitaallada ayaa la xidhay sababo la xidhiidha joojinta shaqada waaxda dadweynaha oo ay ku lug lahaayeen in ka badan 40 ururo shaqaale.
isku socodka gaadiidka ayaa joogsamey saacadihii udambeeyey iyadoo Gaadiid yar lagu arkayay waddooyinka.