Daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah ayaa ku dhuftay laba gobol oo uu burburiyay dhulgariirkii bishii hore ka dhacay dalka turkiga, waxaana ku dhintay ugu yaraan shan qof, waxaana sii kordhaysa darxumada kumanaanka qof ee ku guryo beelay, sida ay saraakiishu sheegeen.
Tiro kale oo dad ah ayaa la sheegay in sidoo kale lagu la’yahay daadadka Arbacadii.
Hal qof ayaa lagu dilay magaalada Tut ee koonfurta bari ee gobolka Adiyaman, halkaas oo ay biyuhu qaadeen guri konteenar ah oo ay ku noolaayeen koox ka mid ah dadkii ka badbaaday dhulgariirkii, ayuu yidhi Badhasaabka Numan Hatipoglu. sidoo kale Afar qof ayaa la sheegay in la la’yahay.
Like this:
Like Loading...