Nigeria ayaa sheegtay in ku dhawaad 30 milyan oo dollar ay ka heshay baaritaan musuqmaasuq oo ka socday hay’ad muhiim ah oo dowladeed.
Hay’adda lagu baarayo musuqmaasuqa waa wasaaradda arrimaha bini’aadantinimada oo iyaduna u xilsaaran la dagaalanka faqriga.
Guddiga dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay daaha ka rogeen shabakad adag oo ah dhaqamada been abuurka ah.
Waxa ay sheegtay in dhaqaalahaasi lagala baxay mas’uuliyiintii hore iyo kuwa shaqada laga joojiyay.
Betta Edu, wasiirkii arrimaha bini'aadantinimada iyo dhimista faqriga ayaa bishii Janaayo shaqada ka joojiyay Madaxweyne Bola Tinubu, wax ka yar lix bilood ka dib magacaabisteeda.
Hay’adda la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa sidoo kale baadhaysa ku takrifalka lacagaha COVID-19, lacag laga helay dayn Bangiga Adduunka, iyo lacagihii laga soo celiyay taliyihii hore ee Sani Abacha oo la siiyay wasaaradda shaqada yaraynta faqriga.