War qoraal ah oo ay safaaraddu soo dhigtay boggeeda ayey ku sheegtay in la joojiyey dhammaan dhaqdhaqaaqii shaqaalaha safaaradda Maraykanka maanta oo bishu tahay 9-ka April, 2024.
Waxay shegtay in darajada afraad ee muujisa heerka halista soo waajahan oo ah halbeeg ay adeegsato Wasaaradda Airmaha Dibedda ee Maraykanka inay shaqaynayso, sababtooo ah fal-dambiyeedka, falalka argagixsada, shaqaaqooyinka, arrimo caafimaad, aduub iyo burcad badeednimo oo dhici kara.
Safaaradda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Maraykanka inay qaadaan tallaabooyin feejignaan ah oo ay amnigooda ku sugaya
Duulimaadyadii caalamiga ahaa ee maanta tagi lahaa garoonka Aden Adde ee Muqdisho ayaa la joojiyey, iyada oo aanay wali ka hadlin dawlada soomaaliya
ka dib digniintii Mareykanka xalay ka timi iyo weerarkii xeyndaabka Madaxtooyada ee xalay.
Diyaaradaha Turkiga, Imaaraatka & Qatar ayaa joojiyey maanta duulimaadkooda, iyadoo wali aysan kala cadeyn shirkada Itoobiya oo jadwalkeeda wali dhegan yahay,
geesta kale Xalay saqdii dhexe Muqdisho xaafado kamid ah waxaa laga maqlay madaafiic culus oo ku dhaceysay xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir iyo aagga Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Dadka Muqdisho oo u diyaar-garoobayay xalay maalintii ugu dambeysay ee bisha barakeysan Ramaadaan ayaa waxay maqleen dhawaaqa jug culus oo ku dhaceysay isla Muqdisho meelo kamid ah.
Madaafiicda ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhaceen degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir, dhabarka dambe ee Madaxtooyada xaafado ku teedsan, waxaana jira khasaare ka dhashay weerarkan.
Wararka laga helayo ayaa intaas kusii daraya inay jiraan khasaare dhaawacyo ah , inkasta oo illaa hadda aan la ogeyn khasaare dhimasho oo ka dhashay weerarka madaafiicda ah.
Madaafiicdan ayaa saraakiisha amniga tuhmayaan in laga soo tuuray xaafado ka tirsan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana durba billowday baadi-goobka dadkii falkaasi ka dambeeyay.