Malaayiin qof oo ku kala nool dalalka Maksiko, Maraykanka iyo Kanada ayaa heegan ugu jira daawashada qorrax-madoobaad guud oo hadheynaya Waqooyiga Ameerika Isniinta maanta ah.
Dayax-madoobaadka noocaan ah ayaa ah mid dhif iyo naadir ah ayaa jeexaya dhabbe dhuuban oo mugdi ah, kaas oo ku dherersan bad-ka-bad (Atlantic-Pacifc).
Dadka ku nool marinka qorraxdu ku socoto inta ay qarsoon tahay ayaa waxay haystaan fursad ay ku arkaan qorraxdii oo isku beddeshey goobaabin madow oo cirifyada un ka ifeysa.
Maadama qorraxdu ku ordeyso xawaare dheereeya, hooska cadceedda madow waxay saacaddiiba jareysaa masaafo dhan 15 kun oo kiilo mitir.
iyadoo Muddada mugdiga lagu jirayana ay ku xirnaan doonto hadba sida aad ugu beegan tahay bartamaha diillinta qoran ee ay qorraxdu ku goosheyso inta ay madowdahay.
Dadka muddada ugu dheer qorraxdu ka maqnaan doontaa waa kuwa qorrax madoobaadku dhakadooda ku beegan yahay oo mugdi ku jiraya 4 daqiiqo iyo 28 ilbiriqsi.
Qorrax-madoobaadku waa kala duwan yahay, waxaase ugu xiiso badan kan aan ka hadleyno oo Total Solar eclipse, kaas oo dhaca marka dayaxu si buuxda ugu beegmo marinka qorraxdu ku socoto.