Israel oo isaga carartay Qasa.

Ciidamada Israel ee ka dagaalamaayey koonfurta Qasa ayaa guud ahaanba isaga baxay agaasi.

Lama sheegin sababta ku kaliftay Israel inay ka baxaan deegaanadan iyagoon gaadhin hadafkii ay usoo galeen dagaalka oo ahaa in ay soo furtaan maxaabiista laga haysto iyo in ay wiiqaan awooda ciidamada Xamaas.

Waxaa loo aanaynayaa dhawr sababood oo kala ah, mintidnimada dagaalyahanada falastiiniyiinta oo laf dhuun gashay ku noqday oo wiiqay cududii Israel ku faani jirtay. Halka sababta labaadna loo aanaynayo inay ugu wayn tahay xidhiidhka Nataniyahu iyo Biden ee xumaaday ee la xidhiidha soo afjarida dagaalka iyo culayska Biden ka saaran gudaha wadankiisa. Waxaaba intaas ka sii daran dhaqaalihii Israel oo dhulka galay iyo shacabka yuhùuda oo si wayn uga soo horjeeda siyaasada Netanyahu.

Dagaalka gooriilaha ah ee Xamaas kala hortimid ayaa waxba kama jiraan ka dhigay cududkasta iyo awoodkasta oo ay Israel ku wajahday reer Qasa.

Afhayeenka milatariga Israel ayaan faah faahin ka bixin sababaha ay uga baxeen askartoodu koonfurta Qasa.
Balse wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant ayaa sheegay in ciidamadu ay isu diyaarin doonaan howlgallada mustaqbalka ee Gaza.

Xamaas ayaa laf dhuun gashay ku noqotay Israel oo ku faani jirtay in ay tahay quwada bariga dhexe ee aan laga daba hadal.

Lix bilood oo xidhiidha oo ay dagaal qadhaadh la gashay Xamaas ayeysan wax guul ah aanay ka gaadhin. Inkasta oo ay burbur iyo xasuuq ba’an u gaysatay dadka reer qasa oo in kabadan 30 kun ay ku dishay intuu dagaalku socday, 80% dhismayaashii magaaladana ay dhulka la sintay.

Warbaahinta taabacsan reer galbeedka iyo tan Israel ayaa ka bixi taanka ciidamada Israel ku sifeysay taariko dagaal iyo in ay u jihaysanayaan dhanka Rafax oo hawl galkii ay Khaan Yoonis ka wadeen hada loo wareejinaayo dhanka Rafax.

Halka dhanka kale lagu sifeeyey bixitaanka ciidamada Israel in ay tahay mid dani baday ah, isla markaana loogu gogol xaadhayo sidii ay guud ahaanba uga bixi lahaayeen Marinka Qasa, si heshiis kama dambays ah loo gaadho taas oo ay Xamaas dalbatay intii lagu guda jiray wada hadalada dhawrka jeer fashilka ku soo dhamaaday ee u dhexeeyey Xamaas iyo Israel.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in aanu jiri doonin wax heshiis ah ilaa la sii daayo dadka laga haysto, wuxuuna sheegay in aanu dhag jalaq usiin doonin cadaadiska caalamiga ah.

Xamaas ayaa gacanta ku haysa 130 maxbuus oo isugu jira shacab iyo ciidamo Israeliyiin ah.

Si kastaba ha ahaatee bixitaanka ciidamada Israel ee dhanka koonfureed ee Qasa ayaa soo dadajin kara dhamaadka dagaalka dabada dheeraaday ee Qasa.