Virus cusub oo ka dilaacay China.

Nin 37 jir ah oo xaaladiisa caafimaad aad u liidato ka dib markii ay daanyeero ku weerareen beer ku taal Hong Kong, ayaa laga helay Virus-ka B, isagoo noqday qofkii ugu horeeyay ee uu ku dhaca cudurkan dilaaga ahi.

Maamulka Hong Kong ayaa baadhaya kiiskan waxayna uga digeen shacabka inay ka waantoobaan taabashada ama quudinta daanyeerada duurjoogta ah.