Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo Hogaankeedi is casiley .

Gudoomiyihii iyo Taliyihii Hay’adda sirdoonka soomaaliya ee NISA mahad salaad Ayaa waxa uu iska casilay xilkaasi oo uu hayey Muddo 2 sanno iyo Maalmo ah .

isla maanta Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel mariyey In Taliyaha Cusub ee Hay’addaasi uu noqdo Taliye Sanbaloolshe .

Mahad salaad ayaa intii uu joogey Hay’adda sirdoonka Ee NISA waxa lagu xasuustaa wax ka qabashada amaanka Muqdisho oo intii uu joogey aad uyaraadeen Qaraxyada iyo weerarada ay gaysanayaan Ururka Al-shabaab.