ChatGPT oo war cusub soo saarey .

ChatGPT ayaa ku dhawaaqday in qofku isticmaali karo Applicationkooda isaga oo aan isdiwaan galin ama wax akoon ah aan ka samaysan application kooda caanka noqday ee ChatGPT 3.5, tan ayaa caqabad ku ahayd dadka isticmaala adeegyada ay shirkadani qabato ee dhanka waydiimaha iyo warcelinta ku dhisan ee garaadka macmalka ah.

Horaantii sannadkan sidoo kale waxay meesha ka saareen wadamadii aan hore looga ogolayn ina ay isticmaalaan adeegooda oo ay Somalia ku jirto.

Si kastaba ha ahaatee, isticmaalayaasha aan lahayn akoonnada ma awoodi doonaan inay kaydsadaan qoraaladii iyo waydiimihii ay hore u sameeyeen ee dhex maray qofka iyo Applicationka.