Ninkii Kitaabka ku gubey sweden oo Maydkiisa la helay .

Salwan Momika oo ahaa nin u dhashay dalka Ciraaq oo dhowr jeer gudaha Sweden ku gubay qur’aanka kariimka ah ayaa la sheegay in meydkiisa laga helay dalka Norway. Si kastaba ha ahaatee, xaqiijinta rasmiga ah ee maamulka Norway weli lama helin. Dhawaan ayuu Norway uga soo guuray Sweden kadib markii uu magangalyo ka dalbaday. todobaadkii hore ayuu bartiiisa x ee hore loo dhan jirey tweter uu ku qoray inuu ka tagay dalka sweden kadib magangalyo uu ka helay dalka norway .
“Waan sii wadi doonaa halgankayga ka dhanka ah fikirka Islaamka tan iyo markii aan bilaabay halganka ka dhanka ah Islaamka, diyaar ayaan u ahay taas, kharash kasta ha ku kaco,” ayuu raaciyay.

Salwan Momika, oo 37 jir ah, waxa uu ahaa Qaxooti Ciraaqi ah oo u soo guuray Sweden bishii April 2018, waxana uu helay aqoonsiga Qaxootinimo April 2021. Waxa uu dhawrkii sano ee la soo dhaafay gubay kitaabka qur’aank kariimka ha

  • Waxa uu ahaa hogaamiyihii hore ee maleeshiyada Ciraaq kaas oo gacan saar la lahaa koox taageersan Iran oo lagu magacaabo Ciidamada Abaabulka ee caanka ah. Waxa uu bartiisa Facebook-ga ku sheegay in uu yahay diin-laawe iyo siyaasi, mufakir iyo qoraa. Muuqaalo dhowr ah oo laga soo duubay Momika oo gubay qur’aanka kariimka ah ayaa dhaleeceeyay caalamka oo dhan waxayna caro ka dhex dhalisay dhowr waddan oo Muslimiin ah. Talaabadan uu qaaday ayaa sidoo kale horseeday rabshado iyo mudaharaadyo ka dhacay dalal dhowr ah.
  • Sida ay sheegtay warbaahinta Sweden Momika ayaa sharciga degenaanshaha la siiyay sanadka 2021. Hay’adda socdaalka Sweden ayaa bishii October ee sanadkii hore kala noqotay sharciga degenaanshaha, iyadoo sheegtay inuu macluumaad khaldan ka bixiyay codsigiisa, waxaana loo musaafurinayey doonaa Ciraaq. Si kastaba ha ahaatee, masaafuritaankiisa ayaa loo hakiyay sababo ammaan iyadoo Momika uu sheegay in naftiisa ay khatar geli karto haddii lagu celiyo dalkiisa hooyo.
  • Sannadkii hore bishii June, Salwaan Momika ayaa maalintii Ciidda Bakri ee dalka Sweden ku gubay qaar ka mid ah bogag Qur’aan ah bannaanka masjidka Stockholm ee dalka Sweden, taas oo sababtay mudaaharaad ballaaran.
    Ujeedada ayaa ahayd in laga dhiidhiyo Islaamka iyo in la muujiyo muhiimadda ay leedahay xorriyadda hadalka.
  • Bishii Luulyo 2023, Ciraaq waxay eriday safiirkii Sweden si uu uga mudaaharaado qur’aanka lagu gubay Stockholm. Falkan ayaa yimid kadib markii dad mudaaharaadayaal ah oo ka cadhooday Salwan Momika ay xoog ku galeen safaarada Sweden ee Baqdaad.