Itoobiya Oo Muwaadineenteeda kasoo Celinaysa Dalka Sacuudiga.

Itoobiya ayaa sheegtay inay muhaajiriin gaadhaya 70,000 oo muwaadiniinteeda daruufeysan ah ay ka soo celineyso dalka boqortooyada Sacuudi carabiya.

Wasiiro Dowlaha Arrimaha Dibedda itoobiya, Birtukan Ayano ayaa sheegtay in hawlgalkan lagu soo daadgureynayo muwaadiniinta go’doonsan uu yahay kii 3-aad ee la fuliyo tan iyo 2018, iyadoo intaas ku dartay in mudnaanta la siinayo dadka tabaaleysan ee u baahan gurmad degdeg ah.