Xaaladihii ugu dambeeyey Ee Magaalad Qaza .

Ugu yaraan shan qof ayaa dhintay, tobanaan kalena waa ku dhaawacmeen ka dib markii ay buuq iyo fawdo hadheeyeen, gargaar bini’aadanimo oo la geeyey marinka Qaza.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, illaa 15 gaadiid ah oo siday gargaar bini’aadanimo ayaa soo gaadhay gudaha marinka Qaza. Waxaana goobta cuntada lagu qaybinayey ku soo qamaamay kumanaan qof oo doonayey inay helaan wax ay quutaan. Goobtan waxaa hadheeyey buuq iyo sawaxan, hase ahaatee waxaa arrinta uga sii daray, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil ee goobta ku sugnaa ay rasaas fureen.

Sida ay sheegtay bisha cas ee Falastiin, qaar ka mida gaadiidka waaweyn ayaa jiidhay qaar ka mida dadweynihii goobta ku sugnaa, waxaana toogasho lagu dilay saddex qof oo kale.

Tirada dhimashada ayaa isku noqonaysa illaa 5 qof inta ay xaqiijiyeen ururka bisha casi.

Muuqaalo kala duwan oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya, buuqa iyo mushkiladda goobtaas ka taagan, waana markii labaad ee muddo ka yar 10 maalmood ay dad sidan u badani ku dhintaan goob cuntada lagu qaybiyo.

Bishan March 23-keedii ayay ahayd markii ay ciidamada Israa’iil dileen illaa 21 qof oo ka mid ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa goob cuntada lagu qaybiyo, sida ay sheegtay xukuumadda Xamaas ee ka Talisa marinka Qaza, hase ahaatee Israa’iil ayaa iyadu iska fogaysay eeddaas.

Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay Bishan March 19-keedii ayaa ka digtay, in kala badh shacabka Falastiin ay la nool yihiin gaajo, waxaana warbixintu intaas ku dartay in laga cabsi qabo inay dhinaca woqooyi ee Qaza inay ka dillaacdo macaluul baahsani, haddii aan farogelin degdeg ah lagu samaynin xaaladda Qaza.

Warbixintan ayaa sheegtay in 1.1 million oo qof oo u dhiganta, kala badh dadka ku nool Qaza, inay ku nool yihiin xaalado nololeed oo aad u adag.

Woqooyiga Qaza oo hoy u ah illaa 300,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay macaluul u dhintaan, inta u dhexeysa badhtamaha March illaa May, haddii aan wax laga qabanin xaaladdooda nololeed.

Weli waxaa socda dadaalo kala duwan oo ay wadaan dalalka caalamku kuwaas oo la tacaalaya, inay wax ka qabtaan xaaladda cunto yaraaneed ee ka jirta Qaza, illaa saddex Markab oo sida cunto gaadhaysa illaa 400 oo ton ayaa ka baxay jaziirada Qubrus.

Hay’adda samafalka ee World Central Kitchen ayaa sheegtay in maraakiibtani ay sidaan cunto diyaara oo ka badan illaa 1 million oo dalab.

Hay’adda samafalka ee World Central Kitchen oo ay taageerto hay’adda samafalka ee ka dhisan dalka Spain ee Open Arms isla markaana dhaqaalaha ugu badan ka hesha dalka Imaaraadka Carabta ayaa muddo bilo ah ka hawlgalaysay marinka Qaza.

Masuuliyiinta Qubrus ayaa iskaashi kala sameeyey Israa’iil, sidii loo yagleeli lahaa, marin badeed ammaan ah oo la soo mariyo cuntooyin iyo agab kale oo la sii hubiyey ka hor inta aan loo dirin Qaza.

Maraykanka ayaa dhinaciisa ka fekeraya inay hirgeliyaan, deked sabbaysa oo ku meel gaadh ah oo loogu talo galay in laga dejin karo gargaarka loo wado qaza. Dekeddan ayaa la filayaa inay dhamaato ka hor bilawga bisha May ee soo socota.

Hay’adaha samafalka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan in gargaar bini’aadanimo laga geeyo dhinaca badda, hase ahaatee waxay ku boorriyeen Israa’iil inay fududayso in gargaar dheeri ah laga geliyo dhinaca dhulka.

Wasiirka arrimaha debedda ee Urdun Ayman Safadi ayaa sheegay in macaluusha laga cabsi qabo inay ka dillaacdo Qaza in si degdeg ah wax looga qaban karo haddii Israa’iil ay furto xuduudaha. Wasiirka ayaa arrintan ka dhawaajiyey, xilli uu shir jaraa’id la qabanayey wasiirada arrimaha debedda ee Masar iyo Faransiiska.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Israa’iil inay xannibayso gargaarka bini’aadnaimo ee la geynayo marinka Qaza. Inkasta oo ay Israa’iil eedahaas beenisay.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo inay maanta dib uga bilawdaan magaalada Qaahira, wadahadaladii u dhexeeyey Israa’iil iyo Xamaas ee ku aaddanaa sidii heshiis xabbad-joojin ah looga gaadhi lahaa dagaalka Qaza.

Netanyahu ayaa la kulmaya culays xooggan oo uga imanaya qoysaska la haystayaasha, kuwaas oo ku cadaadinaya in uu ogolaansho ballaadhan siiyo, xubnaha wadahadalada ku metelaya, si loosii daayo eheladooda lagu haysto Qaza.