Puntland oo kasoo horjeesatay Ansixinta Dastuurka Soomaaliya

Maamul goboleedka puntland ayaa waxa ay si weyn uga soo horjeesatay ansixinta labada aqal barlamaan ee soomaaliya ay ku meel mariyeen wax ka badal lagu sameeyey dastuurka soomaaliya .
puntland waxay ku tilmaantay ansixintan mid cid gaar ah u adeegaysa isla markaana puntland aan khuseynin

puntland oo soo saartay warsaxaafadeed ayaa waxay sheegtay inay udhaqmi doonto sidii dawlad madax banaan oo kale .
qodobada kasoo baxey puntland ee ay ku diidayso ansixinta wax ka badalka dastuurka ayaa waxa kamid ah .

1: puntland waxay kala noqotay aqoonsigii iyo kalsoonidii hay’adaha dawladda federaalka ah inta laga helaayo hanaan dastuur oo dhameystiran oo heshiis lagu yahay .

2: puntland waxay yeelaneysaa awood dawlad dhameystiran oo madax banaan inta laga helaayo hanaan dawladeed oo federaal ah ,heshiisna lagu yahay

4: puntland waxay si toos ah ula xaajooneysa beesha caalamka iyo hay’daha caalamiga ah arrimaha la xidhiidha danaheeda

anixinta wax ka badalka dastuurka waxa si weyn uga soo horjeestay madaxda mucaaradka madaxweyneyaal hore iyo raysal wasaareyal hore iyo dawlad goboleedka puntland .