Xiddigii hore ee Real Madrid iyo xulka qaranka Brazil ee Marcelo ayaa dib ugu laabtay waddankiisa oo uu kaga biiray kooxda Fluminense kaddib markii ay Olympiacos burburisay heshiiskii ay kula jirtay.
Marcelo oo 34 jir ah oo si xor ah uga tegay Real Madrid xagaagii, ayaa waxa uu waqti kooban oo dhawr bilood ah kusoo qaatay Olympiacos oo si wada-jir ah ay iskula qaateen in la kansalo heshiiskii ay ku wada jireen.
Maanta ayuu Marcelo ka degay Fluminense oo uu uu u saxeexay heshiis soconaya illaa December 2024, kaas oo sidoo kale uu ku jiro qodob u ogolaanaya dhinacyada inay qandaraaska ku kordhin karaan sannad saddexaad.
Marcelo ayaa markii uu heshiiska saxeexay waxa uu la hadlay warbaahinta, waxaanu yidhi: “Aad ayay iigu adag tahay in aan sharraxo qiimaha ay ii leedahay in halkan [Fluminense] la igu soo bandhigo.
“Muddo ayaan ku riyoonayay in aan kusoo laabto kooxdii aan sannado badan ka hor kasoo baxay, kooxdii aan kusoo tababrtay ee isoo bartay kubadda cagta ee aan aqaano.”
Be the first to comment