Siddeed qof oo macdan qodayaal ah, ayaa ku dhintay kadib markii biyaha roobka ay ku fataheen, godka dahabka laga qodo ee waqooyi-galbeed ee dalka Tanzania.
Meydadka ayaa la helay maalinimadii Sabtida ahayd, waxaana laga helay mid kamid ah macdan qodayaasha oo nool.
Maamulka ayaa sheegay in macdan qodayaasha ay si sharci darro ah u galeen, si ay dahab uga raadiyaan godad dhulka hoostiisa mara, kaasoo loo fasaxay kaliya howlaha cilmi baarista.
Taliyaha booliiska gobolka Geita, Safiya Jongo, ayaa sheegtay in hawlgalka samata bixinta lasoo gaba gabeeyey shalay, maadaama haatan dhammaan dadkii ku jirey godka lasoo bixiyey.
“Waxay samaynayeen wax halis gelinaya naftooda, dadka intiisa badan, gaar ahaan dhalinyaradu waxay qaataan go’aan khatar ku keenaya oo oocaas oo kala ah…
“…waxaan ku boorrinay inaysan dhulka hoostiisa galin, haddii aanay shati haysan, taxadar badqabka naftana, waa loo sameeyaa, marka uu qofku haysto shatiga hawlgalka,” ayay tiri guddoomiyaha.
Geita, ayaa mid kamid ah goobaha laga helo dahab badan ee ku yaalla dalka Tanzania.