Potter Oo Sheegay Inuu La Fadhiistay Maamulka Chelsea & Wixii Dhex Maray

Macalinka kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa daboolka ka qaaday inuu la kulmay maamulka kooxdiisa gudaha toddobaadkan kaddib guuldarradii xaalada sii xumaysay ee kasoo gaadhay Southampton.

Potter ayaa xaqiijiyay wararkii sheegayay inuu la kulmay mulkiilayaasha kooxda ee Todd Boehly iyo Behdad Egbali isla markaana waxa dhex maray uu ahaa inay markale u muujiyeen taageerada ay la garab taagan yihiin.

Marka laga yimaado in maamulka Chelsea wali wakhti siinayo Graham haddana Blues ayaa sanadkan 2023 oo dhan kaliya hal guul ka gaadhay horyaalka halka ay hal gool dhalisay shantii kulan ee ugu dambeeyay.

Potter ayaa yidhi “Haa waan la hadlay iyaga waana si lamid ah sidii ay markasta ahayd, markasta taageero ayaa jirtay. Halkan wuxuu culays igu saarnaa afar sano idinka (Saxaafada) ayuuna idinka imanayay? (Waxaa i weydiinayseen) ‘miyaad la hadasheen mulkiilayaasha, miyaad haysataa taageeradooda?’ Taasi way sii socotaa waxayna ahaayeen kuwo cajiib ah”

Tababaraha Chelsea ayaan ka gaban sida wakhtiga uu Chelsea joogay xaaladu ugu xumaatay kooxda wuxuuna yidhi “Dhab ahaan way adagtahay, hadalkaygii dhawr toddobaad kahor wuxuu ahaa inay tani tahay shaqada ugu adag kubadda cagta waxaana jira waxyaabo badan oo sababaya”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.