Kooxda booska labaad kaga jirta horyaalka La Liga ee Real Madrid ayaa qaabilaysa dhigeeda Espanyol xilli ay doonayaan guul ay tartanka horyaalka qayb uga sii ahaadaan.
Kooxda tababare Carlo Ancelotti ayaan qaab ciyaareedkeedu joogto ahayn dhawaanahan, kaliya laba guulood ayay ka haystaan shantoodii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka halka ay barbardhac galeen labadii ciyaarood ee u dambeeyay.
Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor
Real Madrid waxa markale dhaawacyo kaga maqnaan doona David Alaba iyo Ferland Mendy, sidoo kale kabtan Karim Benzema ayaa dhaawac ku seegaya ciyaartan.
Antonio Rudiger ayay dhibaato taam ahaansho haysataa waxaana macquul ah inaan halis la galin halka Luka Modric ganaax kasoo laabtay.
Camavinga ayaa markale daafac bidix dheeli kara halka Nacho iyo Militao daafaca dhexe ku midoobayaan iyadoo Carvajal garabka kale joogo.
Modric, Tchouameni iyo Kroos ayaa la filayaa inay khadka dhexe kusoo bilawdaan halka Rodrygo doorka No.9 ee Benzema ka maqan yahay buuxin doono isagoo Valverde iyo Vini weerarka kala dheelaya.
Tababare Diego Martinez ayaan dhinaciisa ku xisaabtami doonin Dani Gomez, Adria Pedrosa Keidi Bare halka uu shaki ku jiro Brian Olivan.
Shaxaha Macquulka Ah:
Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Nacho, Camavinga; Modric, Tchouameni, Kroos; Valverde, Rodrygo, Vinicius
Espanyol (4-2-3-1): Pacheco; Gil, Montes, Sergi Gomez, Pierre-Gabriel; Darder, Vinicius; Puado, Suarez, Braithwaite; Joselu
Xogta Kulanka
Tartanka: La Liga
Garoonka: Santiago Bernabeu
Wakhtiga: 4:00 galabnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Jorge Figueroa