Saraakiisha kubadda cagta Indonesia oo xukun adag lagu riday.

Saraakiisha kubadda cagta Indonesia oo xukun adag lagu riday.

Maxkamad ku taalla dalka Indonesia ayaa laba mas’uul oo ka tirsan ciyaaraha kubadda cagta ku xukuntay xabsi, kaddib markii ay ku heshay danbi ah inay dayaceen kiis garoon lagu burburiyay oo ay ku dhinteen 135 qof, isla markaana noqday mid ka mid ah masiibooyinka isboortiga ugu dhimashada badan.

Dhacdadan ayaa dhacday October 2022 ka dib markii ciyaar xamaasad leh oo ka dhacday magaalada Malang ee bariga Java, ku dhexmartay kooxaha xifaaltama ee Arema FC iyo Persebaya Surabaya ay ku dhammaatay fowdo, kadib markii garoonka lagu soo duulay, booliskuna ay ku jawaabeen sunta dadka ka ilmaysiisa dadweynihiina ku qasabtay inay cararaan.
Qabanqaabiyihii ciyaarta Abdul Haris ayaa lagu helay danbi ah “daayac la’aan dadka ku dhintaan”, ayuu yidhi garsooraha maxkamadda magaalada Surabaya, oo ku taal meel 780km (484 mayl) bari ka xigta magaalada caasimadda ah ee Jakarta.
Dacwad oogayaasha kiiskan gacanta kuhaya ayaa dalbadeyXukun lix sano ah.