Eden Hazard Oo Caddeeyey Inuu Nacay Kubadda Cagta Iyo Go’aanka Uu Qaatay

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa go’aan lama filaan ah ka gaadhay mustaqbalkiisa Real Madrid, waxaana uu caddeeyey in aanu dan ka lahayn inuu ciyaaro iyo inuu kursiga kaydka fadhiyo maadaama uu ku jiro heshiis uu lacag badan ku qaadanayo.

Eden Hazard oo la filayo in Real Madrid ay u ogolaato inuu iska tago xagaaga foodda inagu soo haya, ayaa waxa uu doonayaa in uu sii joogo illaa sannadka 2024 oo uu ku egyahay qandaraaskiisa Real Madrid.

Wargeyska The Athletic ee looga dambeeyo xogta ciyaaraha, ayaa waxa uu sheegay, in Hazard uu qaatay go’aan adag oo ah inuu iskaga jiro kursiga kaydka Real Madrid oo uu dhamaysto qandaraaskiisa.

Laacibkan oo sannadkii 2019 ay Real Madrid kaga soo iibsatay Chelsea lacag gaadhaysa €100 milyan oo Euro, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa in Los Blancos ay bixiso €60 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhnaanayey waxqabadkiisa, tirada kulamada uu safto iyo guulaha uu la gaadho kooxda reer Spain. Waxa intaas u dheer u dheer inuu yahay ciyaartoyga ugu mushaharka badan Real Madrid.

Real Madrid ayaa waqti horeba waxa lacagtii ay kusoo iibsatay Eden Hazard ay gelisay qaybta khasaaraha, maadaama uu saddex ciyarood oo kaliya u saftay xilli ciyaareedkan socda, halka intii ka dambaysay Koobkii Adduunka ee Qatar na hal mar oo kaliya lagu arkay garoonka.

32 jirkan oo ah ciyaartoygii ugu qaalisanaa ee ay iibsatay Real Madrid, sarena u dhaafay lacagtii ay Los Blancos kula soo wareegtay Gareth Bale sannadkii 2013 oo ahayd €101, ayaa lala xidhiidhinayay kooxo ka dhisan horyaalka Maraykanka iyo dalalka Carabta.

Dhinaca kale, Real Madrid ayaa la sheegay in ay qorshaysay in ay Eden Hazard ka wareejiso lambarka uu xidho ee No.7 haddii uu ku adkaysto inuu sii joogo, waxaana la siin doonaa Vinicius Junior, sida ay warbaahinta Spain sheegtay.