Barlamaanka Somalia ayaa wada qorshe ay wax kaga beddelayaa qodob ka mid ah Distuurka Somalia, kuwaas oo fududaynaya in muddo xilkeedka Madaxweynaha iyo Barlaamaanka oo ahaa 4 sanno laga dhigo 5 sanno.
Qorshaha oo weli la karkarinayo, isla markaana Golaha Shacabku u saaray guddi ka soo shaqaysa wax ka beddelkaas, ayaa durba waxa dibedda u soo baxay diidmo xooggan oo ay kaga soo horjeedaan Madaxweyneyaal hore, Raysal wasaareyaal hore iyo murrashaxiin hore iyo siyaasiyiin miisan ku leh Somalia, ,kuwaas oo ka digay in isku dayga lagu kordhinayo muddada madaxweynaha iyo Barlamaanku horseedi karo khilaaf siyaasaddeed oo saamayn ku yeesha amniga iyo xasiloonnada Somalia.
Bayaan si wada jir ah u soo saareen Madaxweynihii hore Shariif, Ra’iisul Wasaarayaashi hore, Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Guddoomiyihii hore Baarlmaanka Shariif Xasan iyo C/qaadir Cosoble ayaa waxa ay ku eedeeyeen Guddoonka Baarlamaanka Somalia in ay faraha kula jiraan shirqoolo halis gelin kara geeddi socodka dawlad dhiska Somalia.
“Muddo kordhintan sharci darrada ah waxay si toos ah uga hor imaaneysaa qodobka 60aad ee Dastuurka, farqaddiisa (1aad) oo qeexeysa in muddada xilhaynta Baarlamaanku yahay afar sano oo ka bilaabanta maalinka xilka loo dhaariyo” ayaa lagu yidhi bayaanka madaxda.
Madaxdan hore waxa ay sheegeen in aanay jirin xilligan baahi loo qabo muddo korodhsi, waxaanay xuseen in weli taagan tahay saamayntii ka dhalatay muddo kordhintii wakhtigii Farmaajo loo sameeyey.
Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa Murrashaxiintii Doorashadii Madaxtooyada ahna Ergayga arrimaha Binidaanimo ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan wakhtigan muddo kordhin laga sugayn Golaha shacabka “Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada.
Ma ahayn in ay xilligaan muddo kororsi ka fekeraan, iyagoo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi laga soo maray.” Ayuu yidhi cabdiraxmaan cabdishakuur warsame
Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee Somalia oo isugu jira Madax hore, oo qaarkood Xisbiyo madax ka yihiin iyo kuwa madax bannaan ayaa walaac ka muujinaya qorshaha Baarlamaanka Somalia, iyaga oo uga digaya Xasan Sheekh Maxamuud inuu qayb ka noqdo qorshaha muddada loogu kordhinayo, maadaama oo uu ahaa Siyaasiyiintii sida weyn uga dagaalamay muddo kordhintii loo sameeyey Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, madaxweynihii hore ee Somalia.
Si kastaba ha ahaatee qorshahan ayaa ah in wax ka beddel loogu sameeyo Madaxweynaha iyo Baarlamaanka Somalia oo muddo xileedkoodu ahaa afar sanno sida ku cad dastuurka ku meel gaadhka ah ee Somalia, iyada oo Barlamaanku doonayaan in ay qodobkaas afar sanno sheegaya ay ka dhigaan 5 sanno.
Dadka Siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in ay arrintani horseedi karo khilaaf siyaasaddeed oo ka qarxa Somalia oo saameeya ammaanka iyo xasiloonida dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka haya muddo 8 bilood oo keliya, iyada oo durba ay soo muuqato in mucaaradada wuu wejihi doono bilaha soo socda.