Amiirka Qatar ayaa sheegay inuu la yaabay dib u dhaca ku yimid gargaarkii la gadhrsiin lahaa dadkii ku waxyeeloobay dhulgariirkii Suuriya bishii hore, isagoo intaa ku daray inay khalad tahay in gargaarka bini’aadantinimo loo adeegsado arrimo siyaasadeed.
Qatar ayaa ka mid ahayd dhowr dowladood oo gobolka ah oo taageeray fallaagada dagaalka sokeeye ee Suuriya, kaasoo socday tan iyo 2011-kii, waxayna hore uga hadashay dadaallada dalalka qaar ay ku doonayaan inay caadi uga dhigaan xiriirka Dimishiq.
Isagoo ka hadlayay furitaanka shirka wadamada ugu horumarsan ee Qaramada Midoobay oo ka furmaya caasimada Qatar ee Doha Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la caawiyo Syria iyo in la taageero dadaalka Turkiga si uu uga soo kabsado dhulgariirkii ba’naa.