Khabiir Saadaaliyey Kulanka Liverpool vs Man United.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa il gaar ah lagu hayn doonaa kulanka adag ee Liverpool iyo Manchester United ee Axadda oo labada kooxooda oo raadin doonaan guul si weyn uga caawisa hammigooda ah inay sare u dallacaan oo ay kooxaha ka horreeya ku dhowaadaan.

Liverpool oo kaalinta lixaad ku jirta waxa uu hunguri kaga jiraa inay soo gasho booska shanaad haddii ay garaacdo Manchester United, sidoo kalena ay Man City ka badiso Newcastle United. Sidaas oo kale, Manchester United ayaa waxay ku dhowaan doontaa Man City oo labaad fadhida haddii ay ka adkaato Liverpool.

Ciyaartoodii hore ee labadan kooxood, waxa guul weyn gaadhay Manchester United oo 2-1 ku karbaashtay Liverpool oo ku booqatay Old Trafford, hase yeeshee Liverpool ayaa labadii ciyaarood ee xilli ciyaareedkii hore ee Premier League si xun ugu karbaashtay Anfield iyo Old Trafford.

Stan Collymore oo weerarka uga ciyaari jiray Liverpool ayaa waxa uu fikirkiisa ka dhiibtay natiijada ay ku dhamaan doonto ciyaarta Manchester United iyo Liverpool ee Axadda, waxaana uu istaagay meel dhexe oo uu dhibcaha u qaybiyey nadigiisa.

Maqaal uu ku qoray wargeyska CaughtOffside, ayuu ku yidhi: “Dabcan Liverpool waxay Axadda garoonka Anfield ku martigelin doontaa Manchester United. Anigu kulamo badan ayaan soo ciyaaray oo aan United ka hor tegay, kuwo kle oo badanna waan daawaday, markaa khabiir ayaan ku ahay isku-dhacooda. Anigu odhan maayo ma noqonayso ciyaar wanagsan, laakiin ma filayo in goolal badan la iska dhalin doono.

“Mudnaan badan ayay leedahay ciyaartani. Man United kuma aanay guuleysanin Anfield lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay tagtay, Liverpool na waxa ka go’an in aanay Axada ku guul-darraysanin garoonkeeda.

“Waan hubaa in labada kooxoodba ay fursado heli doonaan laakiin waxa aan filayaa in Erik ten Hag iyo Jurgen Klopp ay samayn doonaan taxadr badan gaar ahaan maarka ciyaartoydu tagaan qaybta saddexaad ee garoonka ee kooxda kale.

“Waan qaldanaan karaa, laakiin saadaashaydu waa in ay natiijadu noqon doonto barbarro aad loogu dagaallamo. Waxay ku kala bixi doonaan 1-1. Waxay ilaa tahay in labada kooxoodba ku faraxsanaanayaan natiijadaas.”