Mareykanka oo markale Gacan Milateri siiyey Ukrain.

Mareykanka ayaa ku dhawaaqay kaalmo cusub oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine, taasoo dhan $400 Milyan, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee mareykanka Antony Blinken.

Blinken ayaa sheegay in kaalmada militari ay ka koban tahay rasaasta madaafiicda goobta nooca loo yaqaan HIMARS iyo sidoo kale rasaasta taangiga Bradley, Gawaadhida gaashaaman, hubka wax bur-buriya iyo qalabka dayactirka.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmadan ay sidoo kale qeyb ka yihiin taagero dhinaca tababarka ciidamada Ukraine ah.

Marka lagu daro xidhmadan ugu dambeysay, Mareykanka ayaa hadda Ukraine ugacan Geliyey in ka badan $32 Bilyan oo gargaar militari.

Wadamada Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii ay kumannaan madfac u gaadhsiin lahaayeen Ukraine, iyadoo ay ku baxayso barnaamij ku kacaya 1 bilyan oo doolar.