12 Qof ayaa ku dhintay Qarax ka dhashay Dhuun Shiidaalka qaada oo ku taal Dalka Nageria

12 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay dhuun soo qaada shidaalka dhinaca koofureed ee dalka Nigeria.
Booliska dalkaasi ayaa sheegay in qaraxa ay sababeen kooxo tuugo ah oo isku dayayey in ay xadaan shidaal .
Deegaanka Niger Delta ayaa inta badan qaraxyada dhuumaha shidaalku ka dhacaan waxaana ka dambeeya kooxo dambiileyaal ah oo shidaalka u qaata wershado aan sharci aheyn oo ay ku sifeeyaan.
Arrintan ayaa dhaawac u geysata dhaqaalaha sidoo kalena keenta dhibaatooyin dhinaca deegaanka ah.
Koox bulshada rayidka ah ayaa sheegay in tirada dhimatay laga yaabo in ay intaas ka badan tahay