DP World ayaa faahfaahisay waxyaabaha uu qaban doono Aaga Cashuuraha ka Caagan ee shalay Berbera laga furay.

Aagga Cashuuraha ka Caagan ee berbera muhiimadiisu waa in uu abuuro deegaan ku habboon ganacsiga


BERBERA, SOMALILAND,

2 MARCH, 2023 – Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland ayaa maanta daah-furay Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera Economic Zone(BEZ), kaas iyo Dekeda oo ka dhigaya Berbera in ay noqoto goob ganacsi oo muhiim u ah Geeska Afrika.

Waxa maanta si rasmi ah u furay wejigii kowaad ee Aagga Cashuuraha ka caagan Berbera Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha ahna Madaxa Fulinta ee DP World, Sultan Ahmed bin Sulayem, taas oo ay ku fureen munaasibad khaas ah oo ay ka soo qayb-galeen dhawr boqol oo qof oo marti ah. oo ka mid ahaayen wakiilo ka socday shirkadaha DP World la wadaaga maalgashiga dekedda iyo Aagga Cashuuraha ka Caagan ee British International Investment (BII), Hay’adda Horumarinta Maaliyadda ee Ingiriiska ee UK’s Development Finance Institution (DFI) iyo Impect investor.

Furitaankani waxa uu daba socday daah-furka xarunta cusub ee konteenarada ee Dekedda Berbera ee bishii Juun 2021. yoolka DP World ee Berbera waa sidii loo sameenlahaa xarun ganacsi, iyada oo ka faa’iidaysanaysa goobta istaraatiijiga ah ee ay ku teedsan tahay mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan caalamka, isla markaana ay gasho dhulka baaxada miyiga leh ee gobolka Geeska oo ay Itoobiya ku jirto.

Aaga Cashuuraha ka caagani waxuu 15 Km oo keliya u jiraa Dekedda waxuu sii racsanyahy Jidka Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ee isku xidha Addis Ababa,Itoobiya, kaas oo u baahan marin-badeedyo badan si uu u buuxiyo shuruudihiisa ganacsi.

Xaruntan midaysan ee badda, saadka iyo ganacsiga ayaa u adeegi doonta Geeska Afrika, oo ah gobol koraya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

Waxuu ku salaysan yahay qaabka midha dhalka ah ee Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Jebel Ali Free Zone (Jafza) ee DP World ee ku yaala Dubai. Waxa kale oo jiri doona is-kaashi u dhexeeya labada Aag, iyada oo shirkadaha Dubia ku yaala Berbera iska diwaangelin karaan iyaga oo usii dhex maraya Xafiisyada Jafza, halka shirkadaha Berbera ku yaala ay awood u yeelanayan adeegyada xarumaha wax-soo-saarka ee Aaga Cashuuraha ka caagan ee Jafza .

Aagga Cashuuraha ka Caagan waxa loogu talagalay in uu abuuro degaan ku habboon ganacsiga si loo soo jiito maalgashi iyo shaqo abuurna loo sameeyey Somaliland. Waxaa ka mid ah deegaan tartan iyo waxtar leh, oo uu saamaxay xeerka cusub ee Aaagga Cashuuraha ka caagan, shirkadaha Aagga Cashuuraha ka Caagan, dhiirigelinta maaliyadeed iyo kuwa aan maaliyada ahayn, oo ay weheliso xafiis adeeg oo loogu talagalay in uu sameeyo diiwaangelinta iyo ruqsadaha ligaaga bahanyhay , xafiisyo casri ah, bakhaaro alaabta la dhigto, iyo dhulal banaan ood kiraysankarto.

DP World ayaa hore heshiis ula gashay IFFCO oo ah shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta si ay u dhisto 300,000 square feet oo lagu farsameenayo Saliida cuntada Aagga Cashuraha ka Caagan dhexdiisa, waxaana hore isu diiwaangeliyey dhawr iyo toban shirkadood oo kale oo ka shaqeeyaba waxyaalo kala duwan.

Munaasibada oo uu hadal ka jeediyey Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muse Bihi Abdi,ayaa yidhi: “ waxa weeye munaasibad kale oo Sharaf iyo Taarikhi u ah Somaliland iyo dadkeedaba marka laga yimaado furitaanki teerminalka koontaynarada ee Dekedda Berbera, Imikana Aagga Cashuuraha ka Caagan oo loo furay ganacsiga, waxaanu hore u qaadayna talaabo kale oo muhiim ah oo ah himiladeenna ku aaddan xaqiijinta in Berbera noqoto marin-ganacsiyeed midaysan oo heer gobol ah, kaas oo fure u noqon doona koboc dhaqaale, kaas oo lagu gaadhayo kor u kaca isku socodk ganacsiga, maalgashiga shisheeye, iyo shaqo abuurka”.

Sultan Ahmed bin Sulayem, Gudoommiyaha ahna madaxa fulinta DP World, ayaa yidhi: “Dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah wuu isbedelayaa, waxaana sii kordhaya baahida loo qabo kaabayaasha ganacsiga, sida aagagga Cashuuraha ka Caagan, si sahlan oo degdeg ah loogu helo isku gooshitaanka caalamiga. tani waxay sababaysa in shirkadaha u soo dhawaadan macaamiishooda, wanaajiyaan saadka waxayna u oggolaanaysaa inay ku fidaan suuqyo cusub. Isku-xidhka Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuurahan ka Caagan ee cusub ayaa tusaale weyn u ah arrintaas, taas oo Berbera ka dhigaysa hab-ganacsiyeed heer caalami ah, hadda iyo mustaqbalkaba”.

Liz Lloyd, Madaxa Shirkada British International Investment ayaa intaa ku dartay, “Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay in aanu qayb ka noqono munaasibadan muhiimka ah ee lagu daah furayo Aagga Cashuraha ka Caagan ee Berbera, kaas oo Somaliland u noqon doona dhaqaale muhiim ah, isla markaana kaalmeeya kobaca gobolka Geeska Afrika. Balaadhinta guud ee dekeddu waxa la filayaa inay kor u qaaddo tayada nolosha iyo baahiyaha nolosha asaasiga in ka badan hal milyan oo qof oo reer Somaliland ah, kordhinta helitaanka iyo awood-furnaanta badeecadaha iyo inay gacan ka gaystaan in ka badan 53,000 shaqo oo gudaha ah.”

Qorshaha guud ee Aagga Cashuuraha ka Caagani wuxuu gaadhsiisanyhay in ka badan 1,200 hektar waxaana la balaadhin doonaa mudo kadib marka baahida loo qabaa korodho. Wajigii kowaad oo imika furan, waxa ay bixinaysaa dhulal loogu adeego dhismaha xarumaha shirkadda, 10,000 mitir oo laba jibbaaran oo bakhaaro kayd ah oo hore loo diyaariyey, iyo dhul diyaar u ah inaa dhisato, kayd barxad furan ah, bakhaar kayd oo la wada isticmaali karo oo ay DP World ku adeegi doonto kaargooyada macaamiisha iyo sidoo kale meel xafiis oo leh adeegyada IT ga oo gees ilaa ka gees ah.

Dekadda Berbera waa deked ujeedooyin badan leh oo leh kaabayaal heer caalami ah oo ay ka mid yihiin badeecadaha waaweyn iyo kuwa jabsiga, awood u yeelashada shixnadaha dareeraha ah, iyo teerminaal casri ah oo konteenarada laga soo dejiyo. Waxay leedahay qoto dheer oo ah 17m, kaal 400m ah iyo sadex wiish oo STS ah, kuwaas oo loo adeegsankaro maraakibta konteenarada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya. Waxa kale oo ay awood u leedahay in ay qabato 500,000 oo konteenar unit ah TEUs sannadkii. Teerminalka waxa kale oo ku jira barxad konteerada oo casri ah oo leh sideed wiishashka RTGs, ah iyo xarun xafiisyo adeeg leh.

Dekadda Berbera waa udub dhexaadka dhaqaalaha. balaadhinta awgeed waxaa la filayaa in ay ganacsiga fududayso ku dhawaad 27 boqolkiiba GDP-ga Somaliland iyo 75 boqolkiiba ganacsiga gobolka marka la gaadho 2035. Aaga Cashuuraha ka Caagani waxa uu fududayn doonaa ganacsiga Somaliland iyo waliba guud ahaan Geeska Afrika. Tani waxay ka faa’iido u tahay dhinacyo kala duwan oo ka mid yihin dhoofiyayaasha, soo dejiyasha ,xoolaha, alaabada beeraha iyo waxyalaha hore u xumaanaya, marmarada, iyo qalabka dhismaha.