Wiilka madaxweynaha dalka uganda oo sheegay inuu Aabihii kala wareegayo Talada Dalkaasi.

Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha waddanka Uganda ayaa sheegay inuu noqon doono hogaamiyaha badeli doona aabihii.
Bartiisa Twitterka ayuu waxa uu soo dhigay farriin uu ku qeexayo rabitaankiisa iyo sida ay uga go’antahay xilka dalkaas ugu sarreeya inuu aabihii kala wareego.
Wiilkan oo lataliye sare u ah madaxweyne Museveni mas’uulna ka ah Howlgallada Gaarka ah ayaan sheegin xilliga uu aabihii xilka bannayn doono.
Madaxweyne Museveni ayaan isaga laftiisu muujin wax tilmaam u ah oo tibaaxaya inuu xilka isaga tegayo iyadoo xilka madaxtinimada Uganda uu hayay tan iyo 1986 markaas oo uu xilka la wareegay.
Wiilkan uu dhalay madaxweynaha Uganda ayaa farriimaha uu soo dhigo bartiisa Twitterka waxa ay hore u dhaliyeen doodo kulul.