Ciidamada badda ee UK oo qabtay Gantaalada Iran oo kusii jeeday dalka Yemen.

Ciidamada badda ee Dalka Britain ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen gantaalada lidka taangiyada iyo baalasha gantaalada balaastikada ah intii lagu guda jiray weerar ay ku qaadeen dooni yar oo ka timid Iran oo ay u badan tahay in ay ku sii jeeday wadanka Yemen, waxaanay noqoneysa qabashadii ugu dambeysay ee noocaan oo kale ah ee ka dhacda gacanka Cumaan.

Qabashada ciidamada badda ee Royal, ayaa timid ka dib markii ay qabteen ciidamada Faransiiska iyo Maraykanka ee gobolka, iyada oo quwadaha reer galbeedku ay kordhiyeen cadaadiska Iran, ka dib markii Qaramada Midoobay ay ogaatay in Xukuumada Tehraan ay tayeysay uraniumka si ka duwan sidii hore ee heerka hubka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.