Aasaasaha Worldremit Ismail Ahmed, ayaa ka jawaabay qoraal maanta Shirkadda Telesom ay baahisay.

Aasaasaha Worldremit Ismail Ahmed ayaa ka jawaabay qoraal maanta Shirkadda Telesom ay baahisay.

“Waxaan halkan kaga jawaabayaa laba qodob oo shirkadda Telesom maanta kaga hadashay qoraal ay baahisay.

Marka hore, in shirkadaha ama ganacsatadu yeeshaan doodo midhodhal ihi waxay dan u tahay bulshada. Waxaad mooddaa in la caadeystay in shirkaduhu dadka u heshiiyaan, warbaahintana shilimaan lagu aamusiiyo. Haddii wax la sheegayana aan toos wax loo sheegin ee cid laga dhex hadlo.

Dhaqankani waa mid aynaan hore u aqoon oo dhawaan dadka la baray. Qodobka 1aad
Waxay shirkadda Telesom i weydiisay in aan soo bandhigo caddeynta hadal aan hore u sheegay oo ku saabsanaa in khidmadda aad loogu kordhiyey WorldRemit. Kordhintaas oo aanu oggolaannay, waxaan uga jeeday inaan tuso dadka cidda go’aannada masiiriga ah qaadataa in ay tahay Cabdiraxmaan Axmed Nuur Jimcaale, oo arrinkaa igala hadlay.