Sheikh Jassim Mise Sir Jim? Iibka Man United Oo U Muuqda Mid isku soo dhamaaday

ibka Manchester United oo ahaa mid cirka ku shareeran toddobadii bilood ee ugu dambeeyay ayaa u muuqda mid ugu dambayn gabo-gabo ku dhaw.

Labada tartame ee wareegyada badan iskala soo gudbay ayaa kala ah Sir Jim Ratcliffe oo UK kasoo jeeda iyo Sheikh Jassim Bin Hamad Al Thani oo Qatari ah.

Dhawaan ayay ahayd markii wargeyska Daily Mail shaaca ka qaaday in labada dhinac gudaha toddobaadkan jawaab rajaynayaan.

Mar ayay u muuqatay shirkada Ineos ee uu qaybta ka yahay Sir Jim inay hoggaanka u hayso loolanka balse Qatar ayaa gadaal soo laabasho ka samaysay.

Sida ay sheegayaan warbaahin badan oo dalka Qatar ah gaar ahaan wargeyska Al Watan oo uu qayb ku leeyahay aabaha Sheikh Jassim, iibka kooxda ayuu Jassim ku guuleystay dhawaana degdeg loo dhammaystiri doonaa.

Sheikh Jassim dalabkiisa ayaa ahaa inuu 100% doonayo iibka kooxda halka Ratcliffe qayb siinayay mulkiilayaasha haatan ee Glazer isagoo ilaa 60% dalbanayay.