Masar ayaa ku dhawaaqday siyaasad cusub oo ku aadan in dhammaan muwaadiniinta dalka dariska la ah ee Sudan ay helaan fiisaha ka hor inta aanay ka gudbin xadka, iyadoo Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya ay garwadeen ka yihiin xabad joojin ka dhaqan gashay caasimadda Sudan ee Khartoum.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ayaa soo rogtay xeerarka cusub Sabtidii, iyada oo marmarsiiyo ka dhigtay tallaabadan mid lagu xakameynayo “hawlaha sharci darrada ah” oo ay ku jiraan khiyaamo.
In ka badan 200,000 oo muwaadiniin Suudaani ah ayaa galay Masar, kuwaas oo intooda badan soo maray isgoysyada dhulka, tan iyo markii uu dagaalku dhexmaray laba bilood ka hor ciidamada uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan, iyo kuwa RSF ee Rapid Support Forces (RSF), oo uu madax u yahay Burhaan hore ku xigeenka Maxamed Xamdaan Dabaglo.
Iskahorimaadyadan xooggan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,800 oo qof, sida ay sheegtay koox kormeerayaal ah, waxaana ku barakacay in ka badan 1.9 milyan.
Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa sheegtay in hannaanka cusub ee fiisaha looga golleeyahay uu yahay in lagu xakameeyo “gelitaanka dadka walaalaha ah ee Suudaanta ah ee soo galaya Masar ka dib in ka badan 50 maalmood oo dhibaatooyin ah oo ka jiray dalkooda.