Ciidanka dowladda soomaaliya oo soo afjaray weerar lagu qaadey hotel Pearl Beach.

Ciidamada ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay soo afjareen weerar koox hubaysani xalay ku qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido ee Muqdisho.

Hawl gal socday muddo toddoba saacadood ku dhaw, ayaa ugu dambayntii weerarkaas Ciidamada ammaanku ku soo geba gebeeyeen, iyaga toogtay kooxda weerarka ku qaaday Huteelka.

Dad gaadhaya 15 qof ayaa ku geeriyooday, iyada oo dad badan oo kalena laga soo badbaadiyey.