Somaliland oo heshiis dhex dhigtay beelo dagaal ku dhex marey Gobolka togdheer.

Shirkii Beelaha walaalaha ah uga socday Magaalada Burco ayaa saaka si habsami ah uga socda goobta shirka, iyadoo ay ka qaybgaleen Weftiga Xukuumadda ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayna ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

Heshiin hor dhac oo ay gaadheen labada beelood ee walaalaha ah ayay ku kala qaateen aaskii dadkii ku dhintay shaqaaqadii degaanka Cali Saahid.