Xoghayaha Arimaha dibeda mareykanka oo la kulmay Dhaxal sugaha Sucuudiga .

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa wadahadalo la yeeshay dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Amiir Maxamed Bin Salmaan bilowga ergada dublamaasiyadeed ee looga gol leeyahay in lagu sii hagaajiyo xiriirka ka dhexeeya Washington iyo Boqortooyada qaniga ku ah saliidda ka dib sannado badan oo uu sii qoto dheeray is afgaranwaaga arrimaha u dhexeeya xuquuqda aadanaha iyo Iran. iyo amniga gobolka ilaa qiimaha shidaalka.

Blinken wuxuu la hadlay dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman Talaadadii, waxayna labadooduba ka go’an tahay “inay horumariyaan xasiloonida, amniga, iyo barwaaqada Bariga Dhexe iyo wixii ka dambeeya”, af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Matthew Miller ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay kulanka ka dib. Ballanqaadka waxaa ka mid ahaa in laga shaqeeyo sidii nabad looga dhalin lahaa Yemen, ayuu yiri Miller.

Blinken waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Washington iyo Riyaad uu “xoojiyey horumarka laga gaaray dhinaca xuquuqul insaanka”, waxa uuna Sacuudiga uga mahad celiyay taageeradii ay siin jirtay muwaadhiniintii Mareykanka ee dhawaan laga soo daadgureeyay dalka Sudan ee ay dagaaladu aafeeyeen iyo sidoo kale dadaalada diblumaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya. kooxaha Suudaan ee iska soo horjeeda.