Dawlada soomaaliya oo Dawlada Mareykanka kala wareegtay Hub iyo Saanad Ciidan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehlinaayay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa dowladda Mareykanka kala wareegay hub iyo saanad ciidan.

Hubka iyo saanada ciidan oo ay dowladda Mareykanku ku wareejisay dowladda Soomaaliya ayay ugu tala gashay ciidanka Kamaandooska Danab ee uu Mareykanku sida gaarka ah u tababaro.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka mahadceliyay hubka iyo saanada ciidan oo ay Maanta dowladda Mareykanku ku wareejisay.

“Guud ahaan dowladda Mareykanka waxaan uga mahad celinaya Hubka iyo saanada ciidan ee aan kala wareegnay Maanta ,kaas oo muhiim u ah dagaalka aan kula jirno Khawaariijta Al-shabaab”

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf ayaa dhankiisa sheegay in hubka iyo saanada ciidan ay Maanta kala wareegeen dowladda Mareykanka inuu laf dhabar u noqon doono la dagaalanka Ururka Al-shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.